Hagaha Daryeelka Maqaarka
Maxaa sababa dhibaatooyinka maqaarka?
Dhibaatooyinka maqaarka waxaa sababi kara arrimo badan sida hormoonnada, qorraxda, cuntooyinka qaar, walbahaarka (stress), iyo daryeel maqaarka oo aan habboonayn.
Waa maxay kollagenka?
Kollagenku waa borotiin muhiim ah oo maqaarka ka dhigta mid adag, jilicsan, oo dhalalaya.
Waxaa muhiim ah in maqaarka la nadiifiyo maalin kasta, la isticmaalo kareem ku habboon, la cabo biyo badan, lana ilaaliyo qorraxda.
Sideen u ilaalin karaa maqaarkayga caafimaadkiisa?
Maxaa keena in maqaarku gaboobo?
Gabowga maqaarka waxaa keena da’da, qorraxda badan, sigaar cabista, iyo hoos u dhaca kollagenka.
Sidee loo yareeyaa laalaabka (wrinkles)?
Daryeel joogto ah, isticmaalka kareemada ku Haboonmaqaarkaga , iyo daawaynta maqaarka oo aad joogtayso waxaay kaa caawin kara yareynta laalaabka.
Maxay muhiim u tahay in la isticmaalo sunscreen?
Sunscreen-ku wuxuu ka ilaaliyaa maqaarka waxyeellada qorraxda, wuxuuna ka hortagaa gabowga degdegga ah ee maqaarka.
Cuntadu ma saameyn kartaa maqaarka?
Haa, cunto caafimaad leh oo leh vitamins iyo antioxidants waxay ka caawisaa maqaarka inuu noqdo mid caafimaad qaba.